Maamulka Gobolka Hiiraan oo Billaabey Mashruuc Biyo Dhaamin Loo Sameynayo Dadka Barakacey.

0
57

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta xariga ka jaray mashruuc biyo dhaamin ah loo sameynayo dadka ka barakacay fatahaada ku dhufatay qeybo ka mid ah xaafaddaha magaalada Beledweyne kuwaa oo hadda ku sugan deegaanka Ceeljaale ee dulleedka Bari magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo maanta booqday deegaanka CeelJaale oo ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ee ka barakacay xaafaddaha magaalada Beledweyne ayaa sheegay in howshan biyo dhaaminta ah ee maanta la bilaabay socon doonto 20 ka cisho ee nagu soo foolka leh.

Waxaa iska kaashanaya mashruucan biyaha lagu gaarsiinayo dadka barakacay maamulka gobolka iyo qaar ka mid ah hay’addaha samafalka ka howlgalka gobolka Hiiraan.

Ilaa Sagaal goobood ayaa biyo dhaaminta laga sameeyn doonaa oo la cayimay, iyadoo la adeegsanayo Boyadaha Biyaha dhaamiya.

Taallaabada ayaa u muuqata mid uu maamulka gobolka uga jawaabayo baahida ka jirta deegaannada loo barakacay oo biyo la’aantu ugu horreyso.