Axmed Madoobe oo Kuxigeenadiisii Mar Kale U Cusbooneysiiyey Xilkoodi M/weyne Kuxigeenada.

0
42

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa dib mar kale u magacaabay madaxweyne ku-xigeennadiisii hore Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabduqaadir Xaaji Maxamuud Luga-dheere.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ayuu u magacaabay Maxamuud Sayid Aadan halka madaxweyne ku-xigeenka Labaad loo magacaabay Cabduqaadir Xaaji Maxamuud Luga-dheere,Iyadoo Xilalkaasi Ahaayeen Kuwo Mudan In Lala Doorto M/weynaha

Madaxweynaha Jubbaland ayaa labada Madaxweyne ku-xigeen u rajeeyay in uu Alle u fududeeyo Waajibaadka xilalka loo idmaday.

Labada madaxweyne ku-xigeen ayaa  ayeey afartii sano ee la soo dhaafay isla wada shaqeeyeen,  waxaana ay mar kale noqonayaa madaxweyne ku-xigeennada Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ee cusub ayaa marka laga reebo Baarlamaanka waxaa la oran karaa waxba kama duwana maamulkii afartii sano ee hore iyadoo ay soo wada noqdeen mas’uuliyiintii sar sare sida madaxweynaha ku-xigeennadiisa iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka.