Agaasimihii Madaxtooyada Maamulka Hir-Shabeele Oo Ku Biiray Al-Shabaab.

0
582

Xasan Cumar Axmed “Xasan Mahdi” oo soo noqday Agaasimaha Madaxtooyada Hirshabeele ayaa ku biiray ururka Alshabaab sida ay baahiyeen warbaahinta Ururkaas, Xasan Mahdi ayaa ku sugan Xasan Mahdi ayaa ku sugan xarunta walaayada gobolka Hiiraan oo ah Buqda Caqable.

Xasan Cumar ayaa xilka Agaasimaha Madaxtooyada Hirshabeele Noqday mudadii ay xukunka hayeen Cali Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare, cod iyo sawir uu leeyahay Mahdi oo la baahiyay ayaa sheegay in siyaasada uu iskaga baxay, Hir-Shabeele ayaan weli ka hadlin arinta Agaasimaha.

Masuulkani Ka Mid Noqday Dhaqdhaqaqa Al-shabaab Ayaanan Aheyn Masuulkii Ugu Horeeyey Ee Ku Biiray Shabaab Waxaana Hore U Jiray Masuuliyiin,saraakiil ciidan iyo dadkaloo dowlada u soo shaqeeyay kuwaasoo u baxsadeen dhanka al-shabaab.