Dowladda kenya ayaa maxkamada caalamiga ee ICJ ka dalbatay in loo dib loo dhigo kiiska dacwada badda ee kala dhaxaysa Somaliya. Dhagaysiga dacwada ayaa qorshaysan toddobaadka soo socda.
Wargayska Daily nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay in xafiiska qareenka guud ee Dowladda kenya Kihara Kariuki uu si rasmi ah u dalbaday in dib loo dhigo dacwada si ay u qortaan qareeno cusub oo ka difaaca maxkamada Hague, sidaa darteedna ay u baahan tahay waqti dheeraad ah.
Dhagaysi dacwada oo socon doonta 9 ilaa 13 bishan September waxaa la filayaa in go’aanka ay gaareen 15 garsoore oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha maxkamada Cabdulqawi axmed Yuusuf . Kenya waxay hore u dalbatay in wajiga labaad ee dacwada laga saaro garsoore Cabdulqawi iyagoo sheegay inuu Somali yahay.
Haddii ay maxkamadu ogolaato codsiga Kenya, waxaa dib loo dhigi doono dhagaysi dacwada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin codsiga kenya ee ah in dhib loo dhigo dacwada maxkamada hase yeeshe ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in dowlada Federaalku diiday in dib loo dhigo maxkamada.
.






