Xisbiga Ileys oo Taageeray Soona Dhaweeyey Xubnaha Xildhibaanada La Dhaariyey ee Barlamanka 2’aad ee Jubaland.

0
103

Xisbiga Ileys Ayaa Si Diiran Usoo Dhaweeyey Xubnaha Xildhibaanada Cusub ee Barlamaanka 2’aad ee Jubaland Kuwaasoo ay Shaaciyeen Gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Madaxa Banaan ee JubaLand,Warsaxaafadeed uu Xisbiga Ileys Soo Saareyna Waxa uu u Qoraa Sidan:-

                             WAR SAXAAFADEED
Xisbiga Ilays wuxuu hambalyo u dirayaa xildhibaannada Baarlamaanka Labaad ee Jubbaland ee la dhaariyey, waxaana ku boorineynaa in waajibaadka dastuurka Jubbaland iyo kan Federaalkaba ka saaran si hufan u gutaan. Xisbiga Ilays waxay ku bogaadinayaa Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubbaland sida habsamida iyo hufnaanta leh ay hawlaha xulista iyo doorashadaba ku wadaan, waxaana rajeyneynaa in inta u dhiman daahfurnaan ku wadaan. Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland waxaan kula talineynaa inay si daacad iyo cadaalad ku dheehan u doortaan guddoonkooda iyo Madaxweynaha Jubbaland labadaba. Dhammaan Siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan waxaan u soo jeedineynaa in midnimada iyo wadajirka Jubbaland laga wada shaqeeyo, amniga iyo xasiloonida Jubbalandna la dhowro. WABILAAHI TOWFIIQ 13/08/2019