Gudoomiyihii G/Banadir Eng Yarisow Oo Ku Geeriyooday Dalka Qadar

0
521

Allaha U Naxariistee Gudoomiyihii Ahaana Duqa Muqdisho Eng. Yariisaw ayaa Dad Badan oo Gobolkan Banaadir Ku Nooli Mar uun Maqleen Geeridiisa oo aad Looga Wada Naxey Iyadoo Dalka Qatar Lagu Soo Daweynayey Kadib Qaraxii Ka Dhacey Xarunta Gobolkan Banaadir.

Eng. Yariisaw ayaa Ahaa Aqoonyahan Hawlo Badan iyo Xilal Kala Duwan Dalka usoo Qabtey,kadibna uu Haleelay Qarax aan Wali Hay’adaha Amniga Wali Laga Hayn Cidii Ka Danbeysay Walaw ay Sheegteen Ururka Al-shabaab.

Eng. Yariisaw ayaa Dadka Qaarki Geeridiisa Soo Sheegeen Iyadoo La Lahaa Wuu Geeryooday ee Waa La Qarinayaa Hase Yeeshee Xaqiiqda Hadalkaa Lama Oga,Waxaana Lagusoo Waramayaa In Maydka Marxuumka Sabtida Magaalada Muqdisho La Keenayo Allaha U Naxariisto (Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun).