Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo Hambalyo Ku Aadan Sanadgurada 21’aad U Diray Dawlada iyo Dadka Puntland.

0
483

Madaxda Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya Ayaa Maanta Hambalyo Ku Aadan Sanadgurada 21’aad U Direy Shacabka iyo Dawladda Puntland Iyagoo Wax Lagu Farxo Ku Tilmaamey Horumarka iyo Amniga ay Ku Talaabsatey Puntland Mudadii ay Jirtey, Sidoo Kalena Waxey Madaxda Xisbiyadu Sheegeen In ay Tahey Wax Lagu Daydo Dimuquraadiyada Iyo Doorashada Nabadgelyada ah ee Dhawr Goor Ka Dhacdey,Xilalkana La Kala Wareegeen Madax Hore iyo Kuwo Cusub.

Madaxda Ayaa Maamulka Hadda Jira Ka Codsadey In Puntland Gacan Ka Geysato Qabsoomida Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Marka La Gaaro Xilligeeda Isla Markaasna ay Dhiiri Geliyaan Hannaanka Doorasho Hal Qof iyo Hal Cod ee Dalka Ka Dhacda 2020/2021,isla Markaasna Fududeeyaan Hawlaha Axzaabta Dalka Ka Hirgashey,Xiriir Dhawna Wada Yeeshaan Madaxda Xisbiyada iyo Madaxda Dawlada Puntland.

Ugu Danbeyntii Madaxda Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya ayaa Dawladda iyo Shacabka Reer Puntland U Rajeeyey In Sanadkan Kiisa Kale Alle Ku Gaarsiiyo Horumar Barwaaqo iyo Baraare,Xasilooni iyo Deganaasho Siyaasadeed Soomaali oo Dhan Ku Baaha Insha Allaah.