Garoowe caasumada Puntland ayaa saaka si wayn loogu xusay dabaaldega xuska 1da August oo ku beegan markii la aasaasay Puntland, ciidamada difaaca Puntland, gawaarida gaashaan, qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa socod ku maray barxada wayn ee caasimada Garoowe.Dabaaldegaan ayaa waxaa daawashadiisa kasoo qaybgalay boqolaal shacab ah oo ka kala yimi gobolada Puntland, sidoo kalena waxaa goob joog ka haaa madaxweynaha Puntland Saciid cabdilaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Gudoomiye ku xigeenka Aqalka sare ee Soomaaliya, wasiiro, saraakiil ciidan iyo madax kala duwan.




















