Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Islaw oo Shaqada Ka Joojiyey Agaasimihii Wasaaradda.

0
625

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed.

Warqad ka soo baxday Wasiirka Amniga Soomaaliya kuna taariikheysan 17/8/2019  ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed, isla markaana si KMG ah xilkaas loogu  dhiibay Axmed Cabdi Kooshin.

Warqad ka soo baxday xafiiska Wasiir Ducaale ayaa lagu sheegay in Wasiirku tixgeliyay ahmiyada Agaasimaha Guud u leedahay  dhismaha iyo  hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo baahida loo qabo howlaha shaqo ee  Wasaaradda Amniga Gudaha iyo go’aankii Golaha wasiirada ku baabi’iyeen  Xoghayaha Joogtada wasaaradda.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Wasiirka :-