Bandhigga Wararka iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiyada ee Warsom,ttimoblog.wordpress.com.

0
81

Shabakadda Wararka Warsom Waxey Dhawaan Bilaabeysaa Barnaamijyo Gaar u ah Axzaabta Siyaasadda Kuwaas oo Xisbi Kastaa Kusoo Diri Karo Qoraal ahaan Iyo Muuqaal ahaan,Hadaba waxaa Madaxda Xisbiyada iyo Gudiyada Xisbiyada Loo Balan Qaadeyaa Adeeg Dhaqso ah Ee Fadlan Kusoo Dir Barnaamijyada aad Rabto in Xisbigaagu Bulshada usoo Bandhigo,sida:-

1 Ujeedooyinka iyo Aragtida Siyaasadeed ee Xisbiga.

2 Qorshaha Siyaasadeed ee Xisbiga.

3 Ogeysiisyada iyo wacyi gelinta Xubnaha Xisbiga.

4 Mudnaanta Qaybaha Bulshada Sida Haweenka,Dhalinyarada,Dadka La Hayb Sooco iyo Dadka         Baahiyaha Gaarka ah Qaba Sida Xisbigu Siyaasad ahaan Ugu Qoran Xeerka Xisbiga

5. Baaqa Xisbiga iyo Isdiiwaangelinta Xubnaha Xisbiga.

6. Furitaanka Xafiisyada Xisbiga ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

7. Shirarka Jaraa’id Astaamaha iyo Kulamada Xisbiga.

8. Wax Kasta oo aan Bulshada Dhib ku Keeneyn oo uu Xisbigu Rabo In uu Shacabka La Wadaago.

Email: Warsom2011@gmail.com

Fiiro Gaar ah: Website Warsom Waxaa Ku Xiran Baraha Bulshadu Isticmaasho Sida Facebook,Twitter,Linkedin,Workplace,blog pages,iyo Websiteyo kale oo ay Xiriir Shaqo Leeyihiin

ee Fadlan Dadweynaha La Wadaag Hawlaha Xisbiga iyo Wixii Dadku kugu Qiimeyn Lahaayeen,oo Samee Olole Doorasho Dhanka Warbaahinta ah Isla Markaasna aan Cidna Lidi Ku aheyn.