Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo Hambalyo iyo Bogaadin Ku Aadan Bilashada Bisha Ramadaan U Direy Dhamaan Muslimiinta Gaar’ahaan Soomaalida.

0
358

Madaxda iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya Ayaa Hambalyo Ku Aadan Bilashada Bisha Ramadaan U Diray Dhamaan Muslimiinta Caalamka Gaar’ahaan Soomaalida Meel Walba oo ay Daafaha Dunida Ka Joogaan Iyagoo U Rajeeyey In ay Caafimaad Ku Gutaan Acmaal Wanaagsan Bisha Barakeysan ee Khayrka Barakada Wadata Dhexdeeda.

Xisbiyada Ayaa Isla Qaatey Halku Dhegga Bishan oo Ay Yiraahdeen(Nabad Ku Sooma Nabadna Ku Afura) Insha allaah Iyagoo Ugu Baaqey Musliminta Caalamka Gaar’ahaan Soomaalida In ay Is Cafiyaan Dadka Masaakiinta ahna Wax Lasiiyo Loona Naxariisto Si Bay Yiraahdeen Alle Noogu Naxariisto.

Masuuliyiinta Axzaabta ayaa Ku Booriyey Hay’adaha Amniga In ay Foojignaan Dheeraad ah Muujiyaan Sugidda Amnigana Xil Dheeraad ah Iska Saaraan,iyadoo Dadka Soomaaliyeed U Rajeeyey In ay Sanadkan Kiisa Kale Ku Gaaraan Barwaaqo iyo Horumar Nabad Leh.

Ugu Danbayntii Axzaabta Madaxdooda ayaa Ugu Baaqey Madaxda Ku Shirsan Garoowe in ay Muujiyaan Xilkasnimo iyo Kala Danbayn Soona Saaraan Heshiis Waara oo Salka Ku Haya Danta Guud ee Qaranka Soomaaliya,Si Taariikhda Ay Baal Dahaba Uga Galaan Dadka Soomaaliyeed Dhexdoodana ay Sharaf Sumcad Ugu Yeeshaan.