Gollaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa go’aan ku gaaray jimcihii in Somaliya laga saaro 1000 askari oo ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom.
Gollaha ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyay go’aanka ciidamada amisom lagu dhimayo, hase yeeshee waxay sheegeen in go’aankaasi dib loo eegi karo haddii xaalada Soomaaliya ka darto.
Qararaarka lagu dhimayo ciidamada waxaa gollaha horkeenay dowladda Britian. taasi oo tirada ciidamada ka dhigaysa 19,626. Ciidamada. iyadoo taa bedelkeeda la xoojinayo ciidamada booliiska Amisom oo Tiradoodu tahay 1,040.
Qorshaha ayaa ahaa in Ciidamada Amisom ay amninga koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si tartiib tartiib ah ugu wareejiso ciidamada Soomaaliye, hase yeeshee waxaa arrintaasi dib u dhigay iyadoo la sheegayo in ciidamada Soomaalidu ayan weli diyaar ahayn.
Howlgalka midowga afrika ee Amisom ayaa la asaasay 2007dii. Ciidamo ka socday Ugandha iyo Brundi ayaa lagu bilaabay howlgalka, Waxaa ku soo biiray howlgalka Amisom Ciidamo ka socday Siiraliyoon, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.
.












