Wasiirka Kalluumaysiga dowladda federaalka Soomaaliya C/laahi Bidhaan Warsame ayaa maanta soo gaaray Casimadda Puntland ee Garoowe, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweyay.
Wasiirka Kalluumaysiga Puntland Faarax Cawaash iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada Puntland ayaa wasiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Garoowe. Wasiirka ayaa ka qaybgalaya shirka madasha kalluumaystada Soomaaliyada oo maalinta beri ah furmaya.
Sidoo kale waxaa isla maanta Garoowe soo gaaray Wasiirada Kalluumeysiga Dowladd Goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubaland.
” Waxaa sharaf weyn noo ah annigoo ku hadlaya magaca wasaaradda kalluumaysiga Puntland, inaan magaalada Garoowe ku soo dhawayno wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee federaalka, ahna xildhibaan ka tirsan barlamaanka mudane bidhaan iyo waftiga la socday ee kala ah agaasimaha guud, xoghayaha iyo lataliyaha wasaaradda, aad baan u faraxsan nahay ku soo dhawaada dhulkiinii, ku soo dhawaada magaaladiinii, gacmo furan baan idiinku soo dhawaynaynaa, diyaar baan idiin ahayn, waa idiin sugaynay” Sidaas waxaa yiri wasiirka kalluumaysiga Puntland Faarax Cawaash oo warbaahinta kula hadlay garoonka.
Wasiirka Kalluumaysiga federaalka ayaa aad uga mahadceliyay sida diiran ee Garoowe loogu soo dhaweeyay.
Soo dhaweynta wasiirka iyo waftiga la socday ayaa imaanaysa 12 Saac ka dib shirkii jaraa’id ee Madaxweynaha Puntland uu ku dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya.
.
.












