Somaliland Gudi ay U Sameysey Warbaahinta oo Saxafiyiinta Gudaha Maamulkaasi Kasoo Horjeesteen Diideena

0
352

Wariyeyaasha madax banaan ee Somaliland ayaa ka si weyn uga hor yimid guddi ay wada jir u magacaabeen wasaaradda warfaafinta iyo ururka saxaafada ee SOlJA oo loo bixiyey guddida badqabta saxafiyiinta Somaliland.

Guddidan ayaa ka kooban toddoba xubnood oo u badan wasaarada warfaafinta Somaliland oo uu ku jiro agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka.

Warbaahinta madax banaan ayaa sheegay in guddidaasi aanay ku jirin wariyeyaal madax banaan,isla markaana kuwii laga cabanayey aanay dhex ka noqon Karin warbaahinta.

Wariyeyaasha madax banaan ayaa sheegay in guddi dhinaca muxaafadka u badan aan loo baahnayn, isla markaana guddidan ay ku markhaati furi karta wariyaha dhiban hadii laga soo dacwooda, sidaas darteed, waxaanay dhowaaq dheer ka muujiyeen in guddidaasi aanay ogolayn warbaahintu.

Ururka saxaafadda Somaliland ee Solja ayaa loo baahan yahay inay iyadu doorkeedii qaadato,isla markaana ay difaacdo wariyeyaasha, haseyeeshee guddi cusub oo aanay ku jirin warbaahintii madax banaanaa aanay suurogal ahayn inay warbaahintu la shaqayso.

Inta badan wariyeyaasha madax banaan ayaa si weyn uga hor yimid guddida shan ka mid ahi wasaarada warfaafinta yihiin, taas oo mar walba aqlabiyadii ay leedahay wasaaradda warfaafintu.