
Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland uu ka furmo shirka golayaasha sharci-dajinta wareegiisa shanaad kaas oo ay ka qeybgalayaan dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa looga hadlaa wadashaqeynta ka dhaxeysa golayaasha sharci-dajinta heer Federaal iyo heer maamul goboleed iyo sidii qorshe cad looga yeelan lahaa shaqooyinka ka dhexeeya dhinacyadan.
Golayaasha sharci-dajinta ama baarlamaanada dowlad goboleedyada Puntland, jubaland,Koonfur galbeed,Hirshabeelle iyo golaha sharci dajinta ee dowladda federaalka ayaa ka qeyb galaya shirkan iyadoona laga reebay ka qeybgalka shirka gudoonka Baarlamaanka Galmudug.
Sababaha looga reebay gudoonka Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaan la ogeyn hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in uu la xiriiro khilaafka ka dhexeeya madaxda maamulka Galmudug oo wali aan xal laga gaarin.
Wufuud kala duwan oo shirka ka qeybgalaysa ayaa shalay ku qulqulayay magaalada Garoowe waxaana wufuudaasi qeyb ka ahaa gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo wefdi uu horkacayo kuwaas oo shalay gaaray magaalada Garoowe laguna soo dhaweeyay.











