Qaar Ka Mid Ah Xisbiyada Siyaasada Dalka Oo Maanta Shir Kuu Yeeshay Muqdisho,War-murtiyeedka Ka Soo Saaray:-SAWIRO

0
74

 

In Ka Badan 20-Xisbi Oo Ka Mid Ah Axzaabta Siyaasada Dalka Oo Maanta Shir Ku Yeeshay Xarunta Xisbiga Midnimo Qaran Ee Magaalada Muqdisho Ayaa Ka Wada Hadlay Qodobo Dhowr Ah Dood iyo falaanqeyn kadibna xisbiyada waxa ay hoosta ka xariiqeen Qodobadan:-

  1. In Xukuumada talada dalka haysa ay dib ugu laabato barnaamijkeeda amni islamarkaana la furo jidadka magaalada muqdisho iyadoo xisbiyaduna ay sheegeen in xernaashiyaha wadooyinka ay keentay hoos u dhac dhaqaale,gaarista la’aan goobaha caafimaad,iskuulada iyo goobaha shaqo kaasoo ay shacabku qatyaan ka taaganyihiin
  2. Xisbigyada manta kulanka yeeshay ayaa ugu baaqay xukuumada in si deg deg ah ay usoo gudbiso xeerka doorashooyinka si baarllamaanku ugu doodo xeerkaasina u noqdo mid ay qarniyaal adeegsadaan jiilalka naga dambeeya
  3. Xisbiyada ayaa xukuumada ku booriyey in haddii ay xeerkaasi siii haystaan taariikhdu ay ka gali doonaan baal madow ayna noqonayaan sababta kaliya ee hor istaagta doorasho qof iyo cod ah ee dalka ka dhacda sidaas daraadeed xisbiyada ayaa si naxariisi ay ku jirta kaga codsaday xukuumada in ay u dhaga nuglaato baaqa xisbiyada iyo rabitaanka shacabka
  4. Xisbiyada manta shirka yeeshay ayaa guud ahaan ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka muxaafadka iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed in la dhowro lana ixtiraamo qawaaniinta dalka u degsan

Ugu Dambeyn Ayaa Xisbiyadu Waxa Soo hadal qaadeen madal ay yeeshaan dhamaan xisbiyada siyaasada ee heysta shahaadada KMG ah sida uu tilmaamayo Qodobka 31-aad ee xeerka axzaabta dalka Iyadaana Dib Looga balamay kulamo kale oo ay yeeshaan xisbiyada.