Hay’addaha Amaanka Oo Maanta Ka Wada Hadlay Qorshayaal Cusub Oo Lagu Dar-Dar Gelinayo Amniga Caasimada .

0
492

Magaaladda Muqdisho waxaa lagu qabtay Kullan ay yeesheen Wasaaradda amniga, taliyayaasha ciidamada iyo maamulka gobolka banaadir, kaasi oo laga doodayay qorshe-yaasha cusub ee lagu dar-dar gelinayo amniga Caasimadda Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng. Yarisow ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo istiraatiijiyadda amniga iyo dariseynta, si looga hortago falalka arxan darrada ah ee Argagixsadu ay u maleegayaan shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay hay’adaha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada degmooyinka, taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta Caasimadda.

“Waxaa xaqiiq ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah iyo guulo wax ku ool ah oo la gaaray muddooyinkii la soo dhaafay, kuwaas oo aan la yareysan karin, balse haddii aan sii xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka ay hubaal tahay in lagu guuleysanayo xasilinta caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la joogteynayo kulamada la isku weydaarsanayo xoojinta wada shaqeynta amniga, sidoo kalena dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista wacyi gelinta bulshada oo muddooyinkii la soo dhaafay si huffan ula shaqeynayay Ciidamadda ku howlan ammaanka.

.

.