Dowladda Federaalka Oo Markii Ugu Horeesay Sheegtay In Ay Ka Qeyb Qaadatay Duqeyn Ka Dhacay Puntland.

0
554

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka u tababaran oo garabsanaya ciidamo Mareykan ah ay shalay fuliyeen howlgal lagu dilay kuxigeenkii Hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob kaasoo ka dhacay nawaaxiga Deegaanka Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku Shuban ee gobolka Bari.

War lagu daabacay Wakaaladda Wararka u Faafisa Dowladda ee SONNA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan isla markaana ka mid ahaa dadaalada lagu wiiqayo Kooxaha loogu yeero Argagixisada.

Warkan sheegashada ah ayaa meesha ka saaraya tuhuno la xiriira cidda fulisay duqeynta lagu dilay Hogaamiyaha sare ee Daacish iyadoo Dowladda Puntland ay sheegtay in aan la ogeyn cidda fulisay duqeyntan sida uu sheegay wasiirka amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan.

Hase ahaate sheegashada dowladda Federaalka ee ah in ay ka qeyb qaadatay duqeynta lagu dilay kuxigeenka hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya ayaa noqonaysa markii ugu horeysay oo howlgal ka dhacay Puntland ay dowladda Federaalka ku sheegato in ay ka qeyb qaadato.