Dowlada Somalia Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Kaydkii Hub Ugu Weynaa Ee Al-shabaab.

0
266

Taliye ku-xigeena Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Sakiya Axmed oo shir Jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho  ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen keydkii hubka iyo qaraxyada ee ururka Shabaab ee magaaladda Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in howlgal ciidamadu ka sameeyeen degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ay ku soo qabteen Hub, qaraxyo, suumaan iyo waxlo kale

“Ciidanka amnigu waxay soo qabteen hub aad u fara badan oo lagu aasay god weyn oo ku yaalla Ceelasha Biyaha. Waxaanna la qiyaasayaa in uu ahaa keydka hub ee ugu weyn ee argagixisada Alshabaabka ka howlgala Muqdisho” ayay tiri taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed.