Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlayay shirka magaalada Nairobi ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta inay dhimaan waxa uu ugu yeeray Orodka mucaaradnimada
Wuxuu tilmaamay in xukuumada federaalka Soomaaliya ay tixigalinayso oo isxtrimaayso doorka siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada. Waxaana uu sheegay inay diyaar u yihiin inay ka wada hadlaan masaaliixda ummadda Soomaaliyeed.
‘’Dowlada federaalku waxey hadda waddaa isku raadinta dadka Soomaaliyeed, laakiin waxaan leeyahay siyaasiyiinta ka tanaasula mucaaradnimada, haddiise aydan ka tanaasuleynin Orodka haka badan-nina’’ ayuu yiri Wasiirka warfaafinta federaalka
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku shiray magaaladda Nairobi ayaa ku eedeeyay xukuumada federaalka inay gabtay howlihii loo igmaday oo ay ku fashilnatay amnigii, la dagaalanka alshabaab iyo hirgalinta ballanqaadyadoodii






