Dagaal U Dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamada Dawladda oo Xaley Ka Dhacey Xarunta G/gedo ee G/haarey.

0
512

Wararka ka imanaya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab xalay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada.

Dadka ku sugan degmada ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay maqleen xalay hub culus oo ay is weydaarsanayeen ciidamada dowladda iyo xoogagga weerarka soo qaaday.

Ciidamada dowladda ayaa dib isaga caabiyay dagaalyahannada Ururka Al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday degmada.

Weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah deegaannada ay ka dhacaan dagaallada ugu badan ee u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.