Ciidamada Jubaland Iyo Al-Shabaab Oo Ku Dagaalamay Inta U Dhaxeysa Xagar Iyo Afmadow.

0
665

Ciidamada JubalandWararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland ay xalay weerareen degmada Xagar ee gobolkaasi, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan dagaal yahanada  Al-Shabaab.

Ciidamada weerarka ku qaaday degmada Xagar ayaa ka soo kicitimay dhanka degmada Afmadow Waxaana Ilaa hadda la xaqiijiyay in laba qof ay ku dhaawacmeen weerarka, khasaare dhimasho wali na looma xaqiijinin.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta  u sheegay in ciidamada Jubbaland ee weeraray Degmada Xagar ay dib ugu soo laabteen dhanka Afmadow, waxaana wararku intaas ku darayaan in ciidankaas jidka ay u galeen maleeshiyo loo amalaynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, halkaasna uu ka dhacay dagaal, ilaa iyo haddana aan faahfahain buuxda laga haynin.

Warar goor dhowyad nasoo gaaray ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay dagaalka ka dhacay inta u dhaxaysa Afmadow iyo Xagar.