Caalamka Oo Cambaareeyay Dagaallada Kasoo Cusboonaaday Liibiya iyo Sida Xaaladdu Iminka ay Tahey.

0
78

Ciidammo daacad u ah janaraal Haftar ayaa u ku biiray xooggaga difaacaya magaalada Tripoli

Dalalka ugu taagta weyn dunida iyo Qaramada Midoobey ayaa cambaareeyay dagaallada kasoo cusboonaaday dalka Libiya xilli xaaladda ay faraha kasii baxday.

Dalalka ugu dhaqaalaha roon dunida ee G7 ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku dagaallamaya Libiya inay si degdeg ah ku joojiyaan dhaqdhaqaaqyada militari, dhanka kale, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa baaq kan lamid ah u jeediyay dhinacda Libiya.

Milatargia janaraal Haftar ayaa bilaabay khamiistii guluf colaadeed oo ay dib uga qabsanayaan xukuumadda Libya ay Qaramada Midoobay ay ictirifaasantahay.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladda dalkaasi iyadoo Liibiya ay ka socdaan iska hor-imaadyo xooggaan.

Xoghayaha guud ee hay’adda QM Antonio Guterres, ayaa sheegay in wadahadalo uu la yeeshay taliyaha ugu awoodda badan milatriga Libiya uu kusoo dhamaaday guuldarro.

Balse janaraal Haftar ayaa lagu soo warramaya inuu u sheegay xoghayaha guud ee Qaramada Mdoobey Antonio Guteras in ciidamdadiisa ay kusii jeeedaan magaalada Tripoli, uuna sii wadi doono dagaalka ilaa inta uu ka jabinayo maleeshiyaadka.

Mr Guterres ayaa dhankiisa ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay fududeynta helidda xal siyaasadeed oo looga gudbayo colaaddan iyo taageerada dadka reer Liibya.Janaraal Haftar ayaa amar ku siiyay ciidammadiisa inay guluf ku qaadaan magaalada

Waxaa lasoo sheegaya in dagaalka u dhexeeyo ciidamada general Haftar iyo dagaalyahanada taabacsan xukuumada Libya uu ka soconaya meel 50 kiilo mitir u jirta koonfurta caasimada Tripoli.

Beeesha caalamku ayaa aqoonsan xukuumada fadhigeedu yahay caasimada Tripoli, halka general Haftar uu ku xoogan yahay beriga dalkaasi Libya.

Dalka Britain ayaa dalbaday kulanka degdega ah ee golaha amniga uu ka yeeshay xiisada Libya,, iyada oo safiirka UK uu ku booriyay in general Haftar uu ciidamdiisa kala baxo goobaha ay la wareegeen uuna joojiyo howlaha milatari.

Waa kuma Jeneraal Khalifa Haftar

Ninkan xilkan ka soo qabtay ciidammada qalabka sida ayaa Qaddaafi gacan ka siiyay in uu awoodda la wareego 1969, ka dib ayayse is maandhaafeen qurba joog ayuuna ku noqday Maraykanka.

Sannadkii 2011 ayuu soo laabtay ka dib markii Liibiya ay ka billawdeen kacdoonkii lagu diidanaa Qaddaafi, wuxuuna noqday taliye jabhadeed..

Jeneraal Khalifa ayaa bishii Diseembar la kulmay oo ay shir ka wada qayb galeen Ra’iisulwasaare Fayez al-Serraj oo ka socda dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya, balse markii dambe ayuu diiday in ay wadahadal rasmi ah yeeshaan.

Jeneraal Khalifa ayaa taageero ka helay Masar iyo Imaaraadka.