Habraaca Doorashada M/weynaha iyo M/weyne Kuxigeenka PUNTLAND oo Gudiga Doorashadu Soo Saareen.

0
635
 
Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa goor dhow soo bandhigay habraaca doorashada iyo shuruudaha laga doonayo musharrixiinta tartamaya.
Shuruudaha laga doonayo musharrixiinta waxaa ka mid ah in muddo labo sanno ah uu musharruxu dalka ku sugnaa , diiwaangelinta musharrixiinta madaxweynaha waxaa laga dhigay $20,000 (Labatan kun),halka madaxweyne ku-xigeenka musharrixiinta u tartamaya ay isku diiwaangelinayaan $10,000 (Toban kun) oo doollar.

Doorashada ayaa la sheegay inay dhacayso siddeeda bisha Jannaayo, iyadoo maalinta ka horraysa ee toddobada bisha musharrixiinta ay tahay maalinta hadal jeedinta musharrixiinta.

Hoos ka akhri habraaca doorashada  iyo magacyada guddiga doorashada;