Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Sacad Cali Shire oo Shuruud ku Xiray Wada Hadallo ka Dhaca Muqdisho iyo Hargeysa ee ay La Yeeshaan DFS.

0
539
Soomaaliland ayaa shuruud ku xirtay wada hadallo ka dhaca magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdisho oo ay yeeshaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.
“Waxaa ka horreeysa in wada-hadallada ay ka dhacaan Muqdisho ama Hargeysa , in la is ictiraafo oo Soomaaliland la aqoonsado.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland, Sacad Cali Shire oo la hadlay BBC-da.
“Wadahadalada inta laga gaarayo Soomaaliland in la aqoonsado waxaa lugu wada hadlayaa meelo kale oo markhaatiyaal leh .” ayuu ku daray wasiir Sacad.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland , waxaa kalo uu sheegay  in wadahadalka labada dhinac oo bilowday sanadkii 2012-kii uu iminka hakad ku jiro, hakad kaansna ay keentay cabashadii dawladda Federaalka ahi ay ka muujisay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Soomaaliland, Itoobiya iyo sharikadda DP World ee ku aaddanaa dekedda Berbera, balse wuxuu sheegay in taas macneheedu aanay ahayn in aanay diyaar u ahayn in wadahadalka dib loo billaabo.
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Soomaaliland oo si Iskeed ah madax banaani ugu dhawaaqday ayaa laga soo billaabo sanadkii 2012-kii ku shiray dalalka dibadda ah ilaa siddeed jeer oo kala duwan, balse aanay kasoo bixin heshiisyo meel mar ah.