Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal ,G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumar Fara-weyne ) u magacaabay taliyaha ciidanka kaydka Puntland.
Cabdiweli , ayaa dhawaan xilka ka qaaday Cumar Fara-weyne,waxaana tan iyo maalintii xilka laga qaaday la hadal-hayay in xil looga magacaabi doono hay’adaha ammaanka ee Puntland.
Ciidanka uu hoggaamin doono G/Sare Cumar Fara-weyne ma ahayn kuwa horey uga jiray Puntland, balse markii ugu horreeysay ee la maqlay ciidanka kaydka Puntland waxaa ay ahayd inta uu socday dhaqdhaqaaqa ciidan ee deegaanka Tukaraq.











