Askari cabsan oo ka tirsan booliska Itoobiya ayaa bartamaha magaalada Addis Ababa ku toogtay labo askari oo ka tirsan booliska,sida u sheegay taliyaha booliska.
Taliyaha booliska Federaaka Itoobiya, Zeynu Jemal ayaa inta ku daray in toogasho lagu dilay askarigii cabsanaa,lamana sheegin khasaaro inta ka badan oo ka dhalatay rasaasta uu furey askariga cabsanaa.
Booliska ayaa xirey waddada ay toogashada ka dhacday ee degmada Bole oo ku taalla bartamaha magaalada Addis Ababa,ka hor intii aysan dib haddana u furin.











