Dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Jabuuti oo uu Kormeeray R/wasaare Xasan Cali Khayre Isagoo Dhex Fariistey Ardeyda Wax Ka Barta Qaarkood.

0
544

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagay iskuulka Jabuuti oo ka mid ah iskuulladii dhawaan ay la soo wareegtay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kormeerkan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku wehelinayay wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ardeyda iskuulka u qeybiyay bugaagta ay ku qoran yihiin manhajka cusub ee ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada.

Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay horumarinta Waxbarashada dalka.

“Dowladda federaalka waxaa ka go’an inay horumariso waxbarashada dalka waxaan idin ku dhiiri gelinaya inaad wax bartan”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan bilowday bixinta bugaagta manhajka cusub, iyadoo maanta la soo gaba gabeeyay.