Wasiirka Wasaarada Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare C/llaahi Godax Barre oo Wareegto Soo Saarey.

0
776

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Wax Barashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Goodax Bare Ayaa Maanta Waxa uu Soo Saarey Wareegto La Xiriirta Dugsiyada Waxbarashada ee Dawladu Maamuli jirtey Balse Wixii ka Danbeeyey Bur burkii Dawladii Dhexe Gacanta ay ku Hayeen Dad Gaara,kuwaasoo Magacyo kale ula Baxey.

Wareegtada Ayaa Waxaa Lagu Yiri Laga Bilaabo Dhaqan Galka Wareegtadan Waa in 30 Cisho Gudahood Lagu Soo Celiyaa Magacii Hore ay u lahaayeen Iskuulada Iyadoo Wareegtada Lagu Ogeysiiyey Daladaha Waxbarasho, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Waxaa La Filayaa in wareegtadani ay Dhaqan Gasho Maadaama aaney Dawladda Dhexe awood u Laheyn in ay Maamusho Iskuulada Dalka Gudihiisa ku Yaal,waxa ay Dalbaneysaana Yihiin in Lasoo Celiyo Magacii Hore Loogu Yiqiin.

Wareegtada Ayaa Lagu Xusey in Qiimo iyo Taariikh Wayn ay ku Fadhiyaan Magacyada Iskuulada Dalku Sidaas Darteedna loo Baahanyahey in Dib loo soo celiyo Magacyadii Iskuuladu Lahaayeen,waana Markii ugu Horesey ee Wasiir Waxbarasho Soo Farageliyo Iskuulada Wax Lagu Barto ee Dalka Ka jira.

warsom2011@gmail.com