Taliye Xigeenkii Hay’adda Sirdoonka Qaranka Cabdalla Cabdalla oo Gabi ahaanba Laga Saarey Kamid ahaansha Hay’adda NISA.

0
599

 

Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter –ka ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in xubinnimadii hay’adda sirdoonka laga saaray Gen Cabdalla Cabdalla oo horay u soo noqday taliye  ku-xigeenka, hasse ahaatee xilka looga qaaday wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo.

Ka saarista xubinnimadii hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa loo cuskaday kaddib wareysi uu dhawaan siiyay Warbaahinta, isaga oo eedeymo culus u jeediyay hay’adda NISA oo sida uu hadalka u dhigay laga weeciyay ujeeddooyinkii markii hore-ba loo aas-aasay.

Qoraalka ayaa lagu yiri’’ kaddib guddi loo saaray qaladaadkii ku jiray wareysigiisa, waxaa ay isla garteen in uusan u qalmin ka sii mid ahaashaha hay’adda sirdoonka Qaranka.

Dhawaan isku –shaaneyn uu madaxweyne Farmaajo ku sameeyay laamaha Amniga ayaa xilkii ku-xigeenka hay’adda nabad-sugida Qaranka waxaa looga qaaday Gen Cabdalla Cabdalla iyo Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, waxaana xilkan loo magacaabay agaasimihii hore ee madaxtooyada Fahad Yaasiin.

warsom2o11@gmail.com