Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa lugu wadaa goor dhow inuu shirkoodii saddexaad uga furmo magaalada Kismaayo kuwaasi oo halkaasi gaaray labadii maalin ee u dambeysay, sheegayna inay ka arrinsanayaan arrimaha khuseeya maamulladooda.
Shirkan oo uu marti geliyay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa madaxda dowlad-gobolleedyada waxaa ay sheegeen in shirkan looga arrinsasanayo arrimaha masiiriga ah ee u gaarka ah, khuseeyana iskaashigooda iyo guud ahaan danta caam ka ah, sida uu Kismaayo ka sheegay madaxweynaha Puntland.
“Waxaan rabnaa inaan helno dowlad-gobolleedyo mid ah, hadafkooduna yahay Soomaalinimo, hirgeliyana nidaamka fadaraaliisamka.” ayuu yiri madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo sidoo kale ah guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo Axaddii wariyayaasha kula hadlay Kismaayo.
Hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada, waxaa kalo ay shirkooda ku raadinnayaan sidii guul waarta looga gaadhilahaa xal u helida wadashaqaynta, nabadaynta iyo taabegelinta federalism ee ka dhaxaysa dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya, sida u sheegay sarkaal sare oo la hadlay Warbaahinta.
Shirka waxaa ku waheliya golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Michael Keating – isagoo jeedin doonna khudbad sharafeed, maaddaama muddo xiliyeedkii uu ka dhammaan doono dhawaan, sida ku cad war qoraal ah oo looga hadlay kulan uu Isniintii la qaatay Keating, madaxda dowlad-gobolleedyada.
warsom2011@gmail.com








