Dalka Ruushka oo Shaaciyey in uu Dawladda Federalka Soomaaliya La Shaqeynayo Hada iyo Wixii ka Danbeeya.

0
203
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka,Sergey Lavrov  ayaa sheegay dalkiisa inuu diyaar u yahay inuu mar kale si xooggan ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya.
Lavrov ayaa magaalada New Yor kulan gaar ah kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad oo halka u jooga ka qaybgalka shir weynaha guud ee Qaramada Midoobay.
“Dowladda Ruushka waxay marwalba diyaar u tahay sii wadista xariirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Soomaaliya iyo soo celinta wada shaqeeyn xooggan oo markale dhexmarta Soomaaliya iyo Ruushka.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Ruushka,Sergey Lavrov .
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay Ruushka inuu yahay saaxib qadiimi ah, muhiimad gaar ahna aysiin doonan sidii mar kale labada dal ay u yeelan lahaayeen xiriir iyo wada shaqeyn xooggan.
Ruushka ayaa  ka mid ahaa dalalkii sida dhow ula shaqeyn jirey Soomaaliya xilligii dowladdii madaxweynihii geeryooday ee Maxamed Siyaad Barre,marka oo u ku taageerri jiray dhismaha milateriga,balse wixii dowladda ka dambeeyay ma jirin wadashaqeyn sida u weyn ee labada dal dhexmartay.
warsom2011@gmail.com