Dalka COSOVO oo Markii ugu Horeysey Sheegay in ay Dalka Soomaaliya Xiriir Dhaw La Sameysanayaan.

0
616
Xukuumadda Kosovo ee Koonfur-bari Yurub ayaa sheegtay inay diyaar u tahay xiriir diblomaasiyadeed oo ay la yeelato Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Kosovo,Behgjet Pacolli ayaa sheegay dalkiisa inay Soomaaliya ay ku leedahay abaal weyn taas badalkeedana ay Kosovo diyaar u tahay in ay abaalkaasi guddo.
Pacolli oo magaalada New York kulan gaar ah kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad wuxuu soo bandhigey in Soomaaliya ay saafaarad ka furato Kosovo ayna fududeeyn doonaan adeegyada furista safaarad Soomaaliya ay ku yeelato halkaasi.
Sannadkii 2010, Soomaaliya waxay noqotay dalkii 69aad ee Kosovo u aqoonsada dal madax-bannaan, labo sanno ka dib markii Kosovo ay kaga dhawaaqday madax bannaani Serbia.