M/weyne Farmaajo oo Kusii Wajahan Dalka Jabuuti ee aan Walaalaha Nahey Maanta iyo Sababta Safarkiisa.

0
498

Madax-weynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa saakay in ay u dhoofaan dalka Jabuuti.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya CabdiNuur Maxmamed Axmed ayaa sheegay in socdaalka madaxweynaha iyo wafdigiisu uu salka ku hayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka walaalnimo ee labada dal Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madax-weyne Farmaajo ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelleoo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo quseeya xiriirka labada dowladdood, iyadoo dhawaan Jabuuti tabasho ka muujisay hadal bishii hore madax-weyne Farmaajo uu ka jeediyay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu horkacayay wasiirka arrimaha dibedda dalka Eritrea, waxaana la sheegay in wafdiggaa uu u sii ogogal xaarayay wafuud kale oo ka imaneysa isla dalkaasi Eritrea.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya ay ku howlan yihiin loo soo afjari lahaa khilaafka dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea.

warsom2011@gmail.com