Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u joogay dalka Jabuuti ayaa maanta oo Jimca ah u ambabaxay dalka Turkiga, markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa, Recep Tayyip Erdoğan.
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Ordogan ay ka wada hadli doonaan adkaynta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, iskaashi ku aaddan xoojinta dhaqaalaha,ammaanka,is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.
Madaxweynaha ayaa inta uu Turkiga jooga wuxuu halkaas kaga qayb geli doonaa Lix Sano guuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay xisbiga haatan talada dalka haya ee AK Part, oo ku beegan Berri oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Augost.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti kusii sagootiyay madaxda ugu sarreysa dalkaas.
warsom2011@gmail.com