Shirka Brussels iyo Maalintiisii Labaad oo La Filayo in uu Soo Gaban gaboobo.

0
638

Waxaa lagu wadaa in ilaa galinka danbe ee maanta la soo gabagabeeyo Shirka Brussels ee looga hadlayo xaalada Soomaaliya, iyadoo ay soconayaan kulamo gar gaar ah oo ay leeyihiin madaxda shirka ka qeybgaleysa.

Kulanka ayaa wajigiisa labaad lagu wadaa in uu noqdo mid u dhaxeyn doona madaxda beesha caalamka iyo ka qeybgalaya shirka oo uu ka mid yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka maanta ayaa la filayaa in ay wada shir guddoomiyaan Madaxweyne Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden halkaa Wajigii hore ee shalay shir guddoomiyeen Kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Agaasime ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden.

Shirkan ayaa guud ahaan lagu lafa-gurayaa xaalada Soomaaliya, haddii ay ahaan lahaayeen dhinacyada, Siyaasadda, Amniga, iyo waliba Dhaqaalaha.

Shirka Ayaa Lagu Wadaa in ay Kasoo baxaan Qodobo laysku Raacey oo u Badnaaan Doona Waxyaabihii u Qabsoomey Dawlada Federalka iyo dawladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Taageerida Heshiisyo ay Madaxda Soomaalidu Hore ugu heshiiyeen,iyadoo Shirkan oo kale La Qaban doono Lix Bilood kadib.

warsom2011@gmaail.com