Wararka naga soo gaaray degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay Qarax loogu xiray gaari yar oo ay saarnaayeen saddex ruux, meel aan ka fogeyn xarunta Wasaaradda Amniga.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qofka dhintay uu ahaa darawalkii gaariga waday, sidoo kalana uu dhaawac soo gaaray dad kale oo la saarnaa gaariga oo ay Dumar ka mid ahaayeen.
Lama oga waxa ay ahaayeen dadkan qaraxa gaariga loogu soo xiray, hasse ahaatee waxaa goobta tagay oo bilaabay baaritaanno saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.
Magaalada Muqdisho ma’aha wax ku cusub qaraxyada noocan oo kale ah ee lagu soo xiro gawaarida waxaa-na inta badan lagu bartilmaameedsadaa shaqaalaha dowladda.
Qofka Dhintay ayaa Lagu Soo Waramayaa in uu Ahaa Sarkaal Ushaqeeya Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ah Kaas oo Gaariga ay La Saarnaayeen Haweeney ay Qaraabo ahaayeen iyo Wiil,Doonayey in ay ka Dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,Waxaase kasoo Hor Martey Qadarta Alle,halkaas ayuuna ku Geeryooday halka Hooyadiis iyo Walaalkiis Qaraxa ku Dhaawacmeen.









