Duleedka Magaalada Muqdisho oo Al-shabaab iyo Amisom Madaafiic Isku Waydaarsadeen.

0
428

Warar naga soo gaaraya deegaanka lagu magacaabo Arbacoow ee dulleedka Muqdisho ayaa sheegaya Al-shabaab madaaafiic ku weerareen saldhig ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale Al-shabaab dhinacooda ku jawaabeen madaafiic culus, taasoo keentay in jugta dhawaqa hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac laga maqlo deegaannada fog fog.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicdan oo qaarkood la sheegay in ay ku dhaceen deegaanno durugsan, ma jiro wax war ah oo ay saareen Al-shabaab iyo AMISOM oo la xiriira madaafiicda ley-weydaarsaday.

warsom2011@gmail.com