Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya gobolka Bari ee maamul gobolleedka Puntland kaddib markii sida la sheegay xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay la wareegeen saldhig-yo ciidamada ku lahaayeen deegaanka Af Urur.
Ma jirto cid ka tirsan maamulka Puntland ama Al-shabaab oo warka arintan ku saabsan la wadaagay warbaahinta hasse ahaatee dadka deegaan-ka ayaa sheegay in ciidamadii Puntland ee halkaa ku sugnaaa isaga baxeen, taasoo keentay in Al-shabaab ay la wareegaan deegaanka.
Dhulka Buuraleyda Gobolka Bari ayaa ah deegaanno ay ku dhuumaaleystaan Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaallo iyo duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka.
Deegaanka ayaa sanadkii la soo dhaafay Al-shabaab waxaa ay ku dileen saraakiil iyo tiro badan oo ciidamo maamul gobolleedka Puntland ka tirsan, kaddib weerar culus oo ay ku qaadeen saldhiga.
warsom2011@gmail.com









