Saraakiisha Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay jiraan rag tiradooda ay gaareyso ilaa 8 nin oo ka tirsan ururka Al-shabaab kuwaasi oo qorsheynaya in ay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya.
Saraakiisha ayaa sheegay in raggan la baadi goobayo lagu bixin doono midkiiba Milyan lacagta Kenyanka ah oo u dhiganta 20,000$, oo la siin doono cidii gacanta ku soo dhigta ama meel ku sheegta.
Raggan la doondoonayo ayaa kala ah Isaaq Caliyow Maxamed, Raxiim Maxamed Sheekh, Bashiir Xareed Xuseen, Bshiya Aadan Cusmaan Kulu, C/rashiid Ibraahim Aadan Cusmaan, Siyaad Ibraahim C/laahi, Cabdi Maxamed Ibraahim iyo Maxamed Maxamuud Maxamed.
Saraakiisha Booliiska ayaa shacabka Kenya ka dalbaday in laamaha amniga u gudbiyaan wixii xog ah oo ay ka hayaan raggan oo sawiradooda lagu baahiyay, si loo soo qabto sharcigana loo horgeeyo.
Afhayeenka ciidamada Booliiska dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay raggan in ay ku dhuumaaleysanayaan degaano ka tiran Gobolka Waqooyi Bari oo ay ka mid yihiin Khadiija Xaaj iyo Qumbi-dhaam, doonayaana in ay geystaan falal ka baxsan amniga.
Ciidamada sirdoonka dalka Kenya ayaa dhawaanahan kordhiyay howl galada ammaanka lagu xaqiijinayo oo ay ka sameynayaan xudduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.
warsom2011@gmail.com









