Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ka Wada Hadlaya Xaaladda Bini’aadanimo ee ka Jirta Dalka.

0
541

Dhawan ayaa la filayaa in uu dhaco shirweyne looga hadli doono arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, kaa oo dhaxmarii doona dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Shirka ayaa looga wada hadli doonaa xoojinta jawaabaha dhanka biniaadanimada iyo caqabadaha wajahaya Soomaaliya sanadka 2018.

Sidoo kale shirka ayaa leys kula soo qaadayaa sidii casharo loogu baran lahaa caqabadihii Soomaaliya ay wajahday sanadkii la soo dhaafay iyo sidii loogu gudbi lahaa.

Sida qorshaha uu yahay shirkan ayaa sidoo kale loogu hadlaya qorshaha jawaab celinta arrimaha biniaadanimada ee dowladda Soomaaliya ee sanadka 2018.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya C/llaahi Xaamud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in qodobo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed laga soo saari doono shirka.

Soomaaliya ayaa waxa ay ka mid tahay wadamada inta badan lagu dhaliilo in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibaatooyinka la xiriira ee Bani’aadannimad, iyadoo beesha caalamku dhaqaale badan ku bixiso aritan.

warsom2011@gmail.com