Degmada Xamarweyne oo Xaley Lagu Diley Labo Dhalinyaro Deegaanka ah.

0
409

 

Rag hubeysan ayaa degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir waxaa ay toogasho ku dileen Labo dhalinyaro oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dadka degan degmada.

Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, kahor inta aysan halkasi soo gaarin ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka labada ruux.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana Warbaahinta taageerta Al-Shabaab lagu daabacay in ay dileen labo Sarkaal oo ka tirsan ciidamada Nabad Suggidda Soomaaliya.

Ciidmaada Amaanka dowladda Soomaaliya oo baaritaanno ka sameeyay xaafaddaha degmada ay ka kooban tahay kuma aysan guuleysan in ah soo qataab baleydii dilka geystay.

Todobaadkan gudihiisa ayaa magaalada Muqidsho waxaa ka dhacay dilal qorsheysan, dhammaan dilalkaas waxaa masuuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

warsom2011@gmail.com