Amarkan oo kasoo baxay gudiga mideynta dakhliga dowlad goboleedka Jubbaland oo uu gudoomiye u yahay Madaxweeyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere) ayaa looga mamnuucay gaadiidka aan u diiwaansanayn wasaaradda gaadiidka Jubbaland in uusan ka shaqeyn doonin deegaanada Jubbaland ee uu maamulku gacanta ku hayo.
Saaka magaalada Kismaayo waxaa ka bilowday olole ay horkaceeysay wasaaradda gaadiidka Jubbaland oo kaashaneeysa ciidamada Booliska degmada Kismaayo, kaa oo digniin kama danbeys ah lagu siinayay wadeyaasha gaadiidka aan lahayn Taarikada.
Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland ayaa sheegay in ololahan uu socon doono, inta ay iska diiwaangelinayaan guud ahaan gaadiidka aan sharciga lahayn ee ka howlgala deegaanada Jubbaland.
Gaadiidka ka shaqeeysa deegaanada Jubbaland ayaa isticmaala Taariko ay bixiso wasaaradda gaadiidka Jubbaland, taa oo lagu sameeyo magaalada Kismaayo iyo qaar kamid ah degmooyinka J/hoose iyo Gedo.
Guddiga mideynta Dakhliga oo uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka labaad islamarkaana ka kooban xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubbaland oo uu kamid yahay wasiirka maaliyadda ayaa waxa dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, ayadoo ujeedooyinka loo magacaabay ay kamid tahay Mideynta dakhliga soo gala dowlad goboleedka Jubbaland iyo ka hortagga Musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodaha.
warsom2011@gmail.com