Degmada B/berde ee G/hiiraan Qarax Miino Shaley ka Dhacey oo Dad loo Xir xirey.

0
488

 Ciidamada nabad-galyada degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay dad la tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen rey qarax miino oo maalintii shalay lagu dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti.

Ciidamada oo xalay howlgal sameeyay ayaa soo qab qabtay dad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen qaraxii shalay ka dhacay duleedka magaalada Buulo Burde.

Qaraxani oo ahaa minada nuuca dhulka lagu aaso ee loo isticmaalo Remote Control ayaa waxaa ku geeriyooday Askari ka tirsan AMISOM halka Labo kalena ku dhaawacmeen.

Maamulka degmada Buulo Burde ayaa dhowaan sheegay in uu bilaabayo howlo amniga lagu xaqiijinayo isla markaana loogaga saarayo dhammaan deegaanada ka tirsan degmadaas oo ay joogaan ururka Al-Shabaab.

warsom2011@gmail.com