Soomaalida ku Nool Dalka Canada oo Xus u Sameeyey Dadki ku dhintey Qaraxii 14kii bishan ka dhacey Zoope.

0
286

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bulshada Somaliyeed ee ku nool magaalada Winnipeg ee Canada ayaa isugu yimid kulan Baroor-diiq ah oo lagu xasuusanayay shacabkii lagu xasuuqay qarax 14-kii bishan ka dhacay isgoyskaa Soobe ee magaalada Muqdisho.

Maryan Kalax oo so gashay dalka Canada muddo laga joogo 26-sano , isla markaana ka soo carartay dagaaladi sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa sheegtay in 22 qof oo kamid ah qaraabadeeda ay ku waxyeeloobeen weerarkaasi.

“Qaar kamid ah waxaan ahayn walaal, halka kuwa kalena ay ahaayeen eedooyinkeey caruurtooda , waxaa jira kuwa lagu waayay qaraxa iyo kuwa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen” ayey tiri Maryan oo la hadashay CBC News.

“Waxa naga dhigay kuwa aad u murugaysan waxa ay tahay in aan la aqoonsan karin jirkooda ,waxaana qoyskayga ay ii sheegeen in la aasay xubno kamid ah jirkooda oo la malaynayo in ay iyaga yihiin “  ayey mar kale tiri Maryan.

“Dhamaan waan qiiraysan-nahay ,waxaana dalbanaynaynaa in dilka la joojiyo “ ayaa kamid ahaa hadalada Maryan ,iyada oo Somalida ka soo qayb-gashay baroordiiqdan ay sidoo kale dad kaga dhinteen qaraxaasi.

Dowladda Somalia ayaa weerarkan ku eedeeysay kooxda Al-shabaab ,waxaana xajmiga qaraxa lagu sheegay in uu ahaa inta u dhaxaysa 600- ilaa 800 kilogarms ,waxaana sida la aamisan-yahay lala damacsanaa in lala beegsado garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde.

Maryan ayaa sheegtay in qof kasta oo kamid ah  dadkii isugu yimid goobta baroordiiqda uu waayay qof kamid ah asxaabtiisa,qoyskiisa ama qaraabadiisa ,waxaana qaar kamid ah Somalida ay wajiga ku soo xirteen maro gaduudan oo muujinaysay heerka tacsida u taal.

“Waa wax la iska filayay in tani oo kale ay ka dhici karto Muqdisho “ ayey mar kale tiri Maryan waxaana qaraxan uu ku soo beegmayaa ,xilli Qaramada Midoobay sheegtay in Somalia ay wajahaysa abaar baahsan oo saamaysay tiro gaaraysa 6.2 milyan oo qof.

Ugu danbayn, qaraxan maalinimadii Sabtida ahayd ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa galaaftay nolosha dad gaaraya 358 qof ,waxaana la sheegay in uu ahaa kii ugu xoog-ga badnaa ee ka dhaca Somalia iyo waliba caalamka muddo sanado ah.

warsom2011@gmail.com