Mamnuucidda uu M/weyne TRUMP ka Mamnuucey Muwaadiniinta 8 dal oo Maxkamadi ka Hor timid.

0
587

 Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ayaa wax waba kama jiraan ka dhigtay mamnuucidii Madaxweyne Donald Trump ku soo rogay muwaadiniinta 8 dal inay soo galaanMareykanka.

Maxkamad heer Federaal ah ayaa soo saaray amar si KMG loogu xadiddayo dhaqan gelinta amarka Madaxweyne Trump.

Amarka mamnuucistan ayaa ka dhan ahaa muwaadiniinta dalalka Iiraan, Liibiya, Suuriya, Yemen, Soomaaliya, Chad, Venezuela iyo Waqooyiga Kuuriya

 Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Gobolka Hawaii ayaa sheegay in mamnuucida lagu soo rogay muwaadiniinta 8 dal ay tahay mid jabineysa shuruucda socdaalka dalka Mareykanka.

Sidoo kale waxaa uu ku dooday in aan la caddeyn in muwaadiniintaas ay khatar ku yihiin danaha dalka Mareykanka.

Donald Trump ayaa balan-qaadkiisii xilligii ololihii doorasho ahaa inuu Mareykanka ka mamnuuci doono qaar ka mid ah muwaadiniinta dalalka Muslimiinta.

warsom2011@gmail.com