Dawlad Goboleedyada Soomaaliya Golaha ay dhawaan Sameysteen oo War Murtiyeed Soo Saarey.

0
264

War murtiyeed ayaa ka soo baxay golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ay ku mideysan yihiin shanta Madaxweyne dowlad goboleed, waxaana looga hadlay xaalada guud ee dalka iyo qodobo kale.

Warka ka soo baxay madaxda dowlad gobolleedyada oo ka kooban 8 qodob ayaa ugu horeyn looga tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyed qaraxii ay dadka badan ku dhinteen 14-kii bishan, sidoo kale waxaa mahad celin loogu jeediyay umadda Soomaaliyeed, hey’adaha iyo dalalka ka qeyb qaatay gurmadka qaran ee loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay qaraxaas.

warsom2011@gmail.com