Kulankan ay isugu yimaadeen Madaxda Xisbiyada Sisaasada Soomaaliya Guddiga Doorashada Madaxa Banaan iyo KHuburo Caalami ah ayaa looga Doodey Sida ugu Haboon ee lagu Heli karo ama Loo Maro Cod Bixiyaha Ama Muwaadinka la rabo in uu Codkiisa Dhiibto Sanadka 2020ka,iyadoo Gudiga Doorashada Madaxa Banaan ee Soomaaliya ay Soo Ban dhigeen Habab Dhawr ah oo lakala Dooran karo,Sida Cod bixye aan diiwaan Gashaneyn,kaas oo Codka dhiibanaya Maalinta Codka La Bixinayo,iyo Cod bixiye Diiwaan gashan.
Waxaana Dood iyo Falanqeyn Dheer kadib Leysku Raacey in aaney Suura Gal aheyn Waqtigan in la Diiwaan geliyo Cod Bixiyaha Maadaama aaney Dawladu Gacanta kuwada Heyn Gobolada Dalka oo dhan sidaas darteedna ay haboontahey in Codbixiyuhu Codkiisa Dhiibto Maalinta Cod Bixinta Sidaasna lagu Diiwaan geliyo Doorashada u horeysa,si wixii ka danbeeya halkaas looga amba Qaado.
Waxaa Sidoo kale laysla Soo Qaadey in Xiriir wada shaqeyneed lala yeelan karo Hay’adaha Sida Gaarka ah loo Leeyahey ee Xog Muwaadin Haya Sida SHirkadaha Isgaarsiinta Dalka iyo kuwa dawliga ah Sida Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo dhamaantood Haya Xog wax laga Qaadan karo,waxaana ugu Danbeyntii Leysku Afgartey in Xilligan La qaato Habka MANEWELKA,Maadaama Muwaadin kasta oo Soomaali ah,Da’diisuna ka weyntahey 18 sano uu Xaq u leeyahey in uu Codkiisa Dhiibto,La Doorto Ama uu Wax Doorto,Iyadoo shirka ama Kulanku kusoo Xirmey Jawi Hagaagsan iyo Is faham Natiijo dhaley.
warsom2011@gmail.com









