Xiisad xoogan ayaa ka taagan magaalo ku taalla bariga dalka Sacuudi Carabiya, waxaana magaaladaasi maalmihii lasoo dhaafay ka socday isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada amaanka iyo Maleeshiyaad shiico ah.
Maamulka magaalada Awamiya ayaa doonaya in ay bur buriyaan wadooyinka cariiriga ah ee kuyaala magaaladaasi, halkaas ay sheegeen in ay ku dhuuntaan maleeshiyaadka hubeesan ee dagaalka kala hor yimaada ciidamada amaanka.
Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda bani`aadamka ayaa ku eedeeyay xoogagga amaanka inay isku dayayaan in dadka deegaanka ay ku qasbaan inay isaga baxaan halkaasi, waxaana dowlada dooneysaa in ay awood badan adeegsato.
Qalakaaso xoogan oo u dhaxeeya Maleeshiyaad hubeesan iyo ciidamada amaanka ayaa wali ka taagan magaalada Awamia oo ku badan yihiin shiicada, ciidamada amaanka ayaana xiray dad badan oo lagu tuhmao in ay xariir la leeyihiin kuwa rabshadaha kala hor yimid.
Magaaladan xiisada ay ka taagan tahay waxaa kasoo jeeda Wadaad Shiicada dhaxdooda caan ka ahaa oo lagu magacaabi jiray Nimr al-Nimr, dowlada ayaana sanadkii hore wadaadkan dishay kadib markii ay ku eedeesay falal argagaxiso.
warsom2011@gmail.com









