Dalka Koonfur afrika oo lagu diley Sadex Dhalin yaro Soomaali ah/Maxey ka tiri dawlada South Africa.

0
661

Saddex qof oo dhallinyaro Soomaali ah ayaa 48-dii saac ee lasoo dhaafay lagu dilay dalka Koonfur-Africa, sida ganacsato ku nool dalkaasi ay u sheegeen Warbaahinta WARSOM

Dhallinyarada la dilay ayaa ku ganacsan jirtay Magaalladda Limbobo ee dalkaasi.

“Saddexda qof ee geeryooday waxaa lagu gubay goobahooda ganacsi, hadda Booliiska ayaa meydadka baaraya”, sidaasi waxaa sheegay mid kamid ah ganacsatada.

Dhinaca kale Warbaahinta dowladda Soomaaliya oo wareysatay mid kamid ah dadka ku nool dalkaasi ayaa waxaa uu yiri “Dhallinyaradii la dilay Waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Cali C/llahi Caymow iyo Cali Maxmuud, dukaamadooda ayaa loogu tagay, laguna gubey, meydadkooda hadda waxaa gacanta ku haya booliska oo sheegaya in ay baarayaan, balse ilaa iyo hadda wax jawaab rasi ah lagama hayo”.

19-ka bishii July, laba qof oo ganacsato Soomaali ah ayaa lagu dilay agagaarka Magaalladda Johannesburg ee dalka Koofur afrika.

Muwaadiniinta Soomaalidda ah ee dalkaasi lagu dilay ayaa waxaa lagu kala magacabi jiray, AUN Nuur Cismaan Nuur iyo Maxamed Xuseen Gacal.

AUN Nuur, ayaa waxaa goob ganacsi uu ku lahaa agagaarka Magaalladda Johannesburg ee dalka Koofur afrika. Sidoo kale AUN Cismaan ayaa waxaa isagana lagu dilay degaan u dhow xadka Koofur Afrika uu la wadaago wadanka Musanbiig.

Burcada Koonfur Afrikanka ah ayaa siyaabo kala duwan u beegsada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga u jooga dalkaasi.

Soomaalida ku sugan dalka Koonfur Afrika oo mar walbo cabsi ku joog ahaa ayaa aad uga baqaya in dhibaato kale ay soo gaarto.

warsom2011@gmail.com